Published On: Sat, Apr 8th, 2017

Jubbaland oo sheegtay inay hoos u dhacday Awoodii Shabaab

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab iminka aysan lahayn awood badan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan awoodin in Weerar toos ah iyo dagaal ay ku soo qaadaan Xarumaha maamulka Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa xusay in Al-Shabaabkii qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Kismaayo hada aysan awood u lahayn in ay arrintaasi sameeyaan.

Waxa uu sheegay in Sarakiisha Shabaab ay adeegsadaan dhalinyarada oo qaarkood uu sheegay in ay hada ku jiraan Xabsiyada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Taliska Nabad Sugidda Jubbaland ay ka go’an tahay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee degaanada Jubbaland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa Shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee degaanada Jubaland

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300