Published On: Fri, Apr 7th, 2017

QM: ku dhawaad 60 kun oo Qaxooti ah ayaa dib loogu soo celiyay Somalia

Hay’adda UNHCR oo arimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday ku dhawaad 60 kun oo Qaxooti in ay dib ugu soo celiyeen Dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii December 2014 ay Dalka Soomaaliya dib ugu soo celiyeen 59,829 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku sugnaa Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Waxaa qoraalka UNHCR sidoo kale lagu xusay in weli ay socdaan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana intaasi ay ku dartay Hay’adda in kaliya la soo celinayo qof doonayo in dib uu ugu laabto Dalkiisa.

Qxootiga Soomaaliyeed ayaa dib loogu soo celinayaa Dalkooda hooyo, xili abaaro xoogan ay ku dhufteen Gobolada Dalka, islamarkaana malaayiin Ruux oo Soomaali ah ay u baahan yihiin uin gurmad lala soo gaaro.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300