Published On: Fri, Apr 7th, 2017

Maamulka Shalaanbood oo ka warbixiyay khasaaraha Qarax ka dhacay Goolweyn

Maamulka Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Qarax miino oo Gaari ay la socdeen Dad shacab ah ku haleelay Degaanka Goolweyn.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood, Nuur Cismaan Raage oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 8 Ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Guddoomiyaha ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in 7 ka mid ah Dadkii halkaasi ku dhintay ay ahaayeen Dad waa weyn iyo canug yar.

Waxaa uu xusay in dhaawaca 3 Ruux loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood ayaa waxuu cod-dheer ku sheegay in laga gaabiyay wax ka qabashada amaanka Degaanada Gobolka Sh.Hoose.

Inta badan Degaanada Gobolka Sh.Hoose ayaa Qaraxyo iyo Weeraro gaadmo ah waxaa lagula eegtaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona xusid mudan in Weeraradaasi bankood ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300