Published On: Fri, Apr 7th, 2017

Booliska Kenya oo xiray ku dhawaad 5 Ruux oo lagu tuhmay Al Shabaab

Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya ayaa xiray 4 Ruux oo lagu tuhmayo in ay ka mid ah yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in raggan lagu qabtay howgallo kala duwan oo Boolisku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Magaalada Gaarisa.

Waxaa Sarkaalkan uu sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaan ku aadan hadii raggan sidoo kale ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalalka Syria iyo Ciraaq.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in raggan la xiray lagu kala magacaabo Cumar Maxamed Khaliif, Barkhadle Mahad, Bare Xasan Mahad, iyo Maxamed Aadan.

Dhawaan ayee aheyd markii Booliska Kenya ay xireen nin ay ku sheegeen in uu yahay hogaamiye Dagaal yahano u qora Al Shabaab iyo Kooxda Daacis

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300