Published On: Fri, Apr 7th, 2017

Al-Shabaab oo sii daayay Shaqaale Caafimaad

Sida ay Sheegayaan wararka naga soo gaaraya Hiiraan Al-Shabaab ayaa xalay xili danbe sii deysay Shaqaale Caafimaad oo Arbacadii gelinkeedii danbe ka kexeysteen Deegaanka lagu magacaabo Caluula Cad oo 10 KM ujira Magaalada Baladweyne.

Dadka la sii daayay oo Afar qofood ah ayaa waxa ay kala yihiin laba Arday oo snaadii hore ka baxday qeybta Xanaanada Xoolaha ee Jaamacada Banaadir oo lagu kala magacaabo, Cabdi Maxamed Diiriye iyo  Xasan Maxamuud Cismaan, Sidoo kale waxaa la sii daayay hal kalkaaliye iyo Wadihii gaarigii ay la socdeen.

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya Dhakhtarkii ay la scodeen Shaqaalahaas Caafimaad oo lagu magacaabo, Dr Xasan Madoowe,Gaarigiisa iyo qalabkii  Caafimaad ay ku shaqeyanayeen.

Lama oga sababta Xarakada Al-Shabaab ay ureebteen digtoorka oo katirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe.

Shaqaalaha la sii daayay ayaa Idaacada Mustaqbal usheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii ay kujireen gacanta Xarakada Al-Shabaab oo ay heli jireen cunada Sadexda waqti ee Maalinkii iyo Habeenkii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300