Published On: Thu, Apr 6th, 2017

Tirada dadkii ku dhintay Colombia oo korortay

Maamulayaasha Colombia ayaa sheegay in ugu yaraan 290 qof iminka la og yahay inay ku dhinteen dhoobadii Sabtidii ku duntay magaalada Mocoa.

Xukuumadda ayaa amar ku bixisay in la sameeyo baaritaan lagu ogaanayo bal haddii nidaamka xagga bedqabka dhismayaasha aan si hagaagsan loo hirgalinin, iyo haddii maamulka deegaankaas uu si buuxda ugu sii diyaar garoobay masiibooyinka dabiiciga ah.

Saraakiil ayaa sheegaya in baaritaanka looga gol-leeyahay ka hortag ee uusan ahayn mid dad lagu ciqaabayo.

Dhanka kalena, weli waxaa socda baadigoobka ilaa 300 oo qof oo weli la la’ yahay.

Boqolaal qof ayaa waxaa la geeyey meelo ay ku hoydaan, ayadoo tiro badan oo dad ahna ay weli koronto la’aan iyo biyo la’aan yihiin.

Gargaarka badankiis ayaa lagu qaadayaa Helikobtarro, maadaama aan waddooyinka la mari karin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300