Published On: Wed, Apr 5th, 2017

Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal Beeleedka ka soo cusboonaaday Shabeelaha Dhexe

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si Shuruud la’aan ah loo joojiyo Dagaal Beeleed ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana Mudane Maxamed Cumar Dalxa uu Nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan Dagaal Beeleed uu ka dhaco Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday in arrimahaan ay soo cel celiyaan is qabsi salka ku haya Dhulbeereed , Daaqsin , Ceelbiyood iyo wixii la mid ah sidaas daraadeed loo baahan yahay maamullada ka jira deegaanadaas in arrimahaas ay xal u keenaan.

Ugu dambeyn ayuu ku tar tarsiiyay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa dhinacyada ay uu u dhexeeyo Dagaal beeleedkaasi in ay ka waantoobaan dhibaatooyinka dadka aan waxba galabsan  ugu geysanayaan xiisadooda sida in la gubo guryaha shacabka, isagoona ugu baaqay in gebi ahaan ay damiyaan Gulufka u dhexeeyo ayna nabad ku wada noolaadaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300