Published On: Wed, Apr 5th, 2017

Maamulka Shabeelaha Dhexe oo lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada Dagaal Beeleed ka taagan Gobolkaasi

Siyaasiga Cumar Khaliilf oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolkaasi in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada Dagaal Beeleed ka taagan Tuulooyin ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Mr Cumar Khaliif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xiisad Beeleed maalmihii u dambeeyay ka taagneed Tuulooyin kala duwan oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahnaa in uu wax ka qabyo Maamulka Shabeelaha Dhexe oo uu sheegay in uu ka gaabiyay.

Xiisad Beeleedyadaan ayaa ka taagan Tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe sida Jameeca Misra, Maqdis iyo kuwa kale.

Waxaana Maleeshiyaad Beeleedyada halkaas dirirtu ku dhexmareyso Saacadihii la soo dhaafay ay siyaabo kala duwan isaga gubeen Guryo ku yaallay Tuulooyinkaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300