Published On: Wed, Apr 5th, 2017

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo War ka soo saartay Diyaarado Shalay lagu Baaray Wajeer

War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Labo Diyaaradood oo Shalay ka duulay Garoonka  Diyaaradaha Magaalada Muqdisho islamarkaana lagu leexiyay Garoonka Wajeer oo lagu baarat Rakaabkii la socday halkaas.

Hay’adda Socdaalka ayaa Xustay in Diyaaradaha Shalay lagu baaray Wajeer aysan ka diiwaan gashaneyn Duulimaadyada Tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,taasna ay Sababtay inWajeer lagu baaro.

“Heshiiskii Taariiqiga ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya ee la Xariiray Duulimaadka wax dhaawac ah oo ku yimid ma leh oo wuu shaqeynayaa Diyaaradaha Shalay lagu baaray Wajeer waxaa ay ahaayeen kuwo aan iska diiwaan gelin Duulimaadyada Tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi,waxaan ka xunnahay Waqtiga Qaaligaa ee laga lumiyay Rakaabkii la socday Diyaaradaha,waxaan ugu baaqeynaa Shirkadaha Maamula Diyaaradaha in ay qaataan Warqadaha Lagama Maarmaanka u ah si aan Qalad kale u dhicin”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Hayeeshee waxaa Arrintaan ay imaaneysaa Xilli Heshiis Rasmi ah ay kala Saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan in Dib loo howgeliyo Duulimaadyada Tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi 10 Sano ka dib.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300