Published On: Wed, Apr 5th, 2017

Cabdi Wali Gaas oo Imaaraadka u tagay wareejinta Dakadda Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas” oo ku sugan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi wuxuu u tagay sidii uu u wareejin lahaa Dakadda Magaalada Boosaaso.

Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta iyo Cabdi Wali Gaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa u socday wada hadal ku aadan sidii shirkadaasi loogu wareejin lahaa dakadda.

Wada hadalka oo gabo gabo soo gaaray ayaay sabab ka dhigtay in Gaas shalay uu ka duulo Magaalada Garowe, islamarkaana uu u tago dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, si uu maanta u saxiixo heshiisak DP World loogu wareejinaayo Maamulka Dakadda Boosaaso.

“Heshiiskii mudo soo socday ee ahaa balaadhinta iyo casriyaynta Dakadda magaalada Boosaaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado, mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland.’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in mashruucani uu dan u yahay horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, isla markaana uu wax wayn ka bedeli doono shaqooyinka Dakadda xarunta ganacsiga Puntland ee magaalada Boosaaso.

Hadii Cabdi Wali Gaas uu saxiixo heshiiskaan tani waxa ay ka dhigan tahay in Dakadda ugu muhiimsan dalka ay gacanta ku hayaan Shirkado Shisheeye oo qandaraaslayaal ah, kuwaasi oo maamulaya Illaha dhaqaalaha Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300