Published On: Wed, Apr 5th, 2017

Baarlamaanka oo maanta loo qaybinaayo Mooshin

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in loo qaybiyo Mooshin ka dhan ah Saldhiga Militari ee Imaaraadka Carabta uu ka dhisanaayo Magaalada Berbera ee Somaliland.

Kulan saacadaha soo socda Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka ayaa loogu qaybinayaa Mooshinkaan laga diyaariyay Saldhiga Berbera.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada wax ka diyaariyay Mooshinkaan ayaa sheegay ujeedka guud inuu yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay ka doodaan arinta ku saabsan Saldhiga Imaaraadka uu ka furanaayo Dakadda Berbera.

“Dadkii abaabulay ee wax ka saxiixay ayaan ka mid ah Mooshinka, Mooshinka wuxuu ku saabsan yahay Saldhiga Millitari ee Magaalada Berbera.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa todobaadkaan shaaciyay in maanta oo Arbaco ah la qaybin doono mooshinkaasi oo Baarlamaanka uu hor yaalo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya marka loo qaybiyo Mooshinkaasi, kadib waa ay soo akhrisan doonaan, iyadoo maalmo kale lagu balami doono inay ka doodaan Xildhibaanada Baarlamaanka Mooshinkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300