Published On: Tue, Apr 4th, 2017

Turkey-ga oo xoojinaya Taageeradiisa Beni’aadanimo ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Sabah ayaa daabacay in Dowladda Turkiga ay xoojisay dadaallada gargaarka bini’aadannimo loogu fidinayo Kumanaan barakacayaal ah oo ka soo cararay Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Wargeyskaan ayaa sidoo kale xusay in Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Turkiga ay gargaarka bini’aadannimo ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Turkiga waxaa ka go’an wax ka qabashada Abaaraha xoogan ee ku dhuftay Dalka Soomaaliya, mana aha in indha laga laabto dhibaatada ay wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed”, sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Hay’adda Bisha Cas.

Dhiniciisa, Ra’iisul Wasare ku xigeenka Dalka Turkiga oo dhawaan booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa balan qaaday in Dowladdiis ay taageero u fidineyso Soomaaliya.

Sikastaba, Turkiga ayaa ka mid ah Dowladda taageerada kala duwan la garab taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xili Dalka ay ku dhufteen abaaro xoogan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300