Published On: Tue, Apr 4th, 2017

Shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Ceelbuur

Ururka Al Shabaab, ayaa mahdiyay dib ula wareegistooda Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka gadaal markii ay Isniintii isaga baxeen Ciidanka Militariga Itoobiya.

Xoogaga Ururka Al Shabaab oo ku sugnaa duleedyada Degmada Ceelbuur, ayaa wax yar ka dib gudaha u galay degmadaasi, markii uu soo gaaray warka sheegaya in ay ka baxeen Ciidankii Itoobiya.

Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali, ayaa sheegay in saddex sano ka dib ay si buuxdo dib ula wareegen gacan ku haynta Degmada Ceelbuur.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Alfurqaan, ayaa sheegay in xilligan ay xor tahay Degmada Ceelbuur. Raayadii Towxiidka buu yiri ayaa dib looga taagey, isla-markaana ay dib ugu soo laabatay ku dhaqanka Shareecada Alle.

Mar la weydiiyay sababta keentay in Ciidanka Itoobiya isaga baxaan Ceelbuur, ayuu sheegay in laga waayay ujeedadii ay u yimaadeen, oo ay ugu horeysay iyagoo waayay shacab ay ku dhex noollaadan, sida uu yiri.

Xasan Yacquub Cali, ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Itoobiya, ay ku jactadeen Degmada Ceelbuur, isla-markaana ay isaga huleeleen, markii ay ka waayeen masxaladii ay u qabsadeen, sida uu yiri.

Su’aal ahayd bal in uu sawir ka bixiyo xaaladda Ceelbuur, ayuu sheegay in ay burburtay dagaaladii ay kula galeen Ciidanka Itoobiya, mudadii ay ku sugnaayen. Waxaa uu ka dhawaajiyay in furin dagaal ay ahayd saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Xasan Yacquub, ayaa sheegay in ay dib u dhisi doonaan Degmada Ceelbuur, isla-markaana aanay waxba u arki doonin burburka hadda ku yimid, haddiiba ay dib ugala wareegeen waxa uu ku sheegay gumeystihii Tigreega.

Toboneeyo ka mid ah qoysaskii ka barakacay Ceelbuur, ayaa shalay dib ugu soo laabtay, iyagoo la socda dagaal-yahanada Shabaabka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300