Published On: Tue, Apr 4th, 2017

Milatariga Nigeria oo Weeraray Boko Haram

Ciidamada Milatariga dalka Nigeria ayaa bilaabay howlgalkii ugu dambeeyay oo ay sheegeen in ay kusoo Afjaraan Kooxda la magacbaxday Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria.

Howlgalkaan ayaa lagu magacday  Weerarkii ugu dambeeyay ee Boko Haraam.

Ciidamada Milatariga dalka Nigeria oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa gudaha u galay dhulka Keymaha ah ee ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Boko Haram.

Ciidamada ayaa inta badan kala Wareegay Kooxda dhulka keymaha ah ee ay ku dhuuman jireen.

Howlgalkaan ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamadu Bohari.

Sidoo kale Howlgalkaan ayaa waxaa ka qeyn qaadanaya dalalka Afrikaan ah ee dariska la ah dalka Nigeria.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300