Published On: Tue, Apr 4th, 2017

Itoobiya oo ka hadashay ka bixista Degmada Ceelbuur

Itoobiya, ayaa waxay ka hadashay ka bixista ciidankooda ee Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib muddo saddex sano oo ay ku sugnaayen degmadaasi.

Ciidanka Militariga Itoobiya, ayaa Isniintii isaga baxay Degmada Ceelbuur, xilli aanay wax sabab ahi u sheegin Maamulka deegaanka, waxaana dib Ceelbuur u qabsaday Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliya, Jamaludiin Mustafa, ayaa sheegay in ciidanka ka baxay Degmada Ceelbuur aanay ka mid ahayn Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.

Danjiraha, ayaa sheegay in ciidankan ay Somaliya ku yimaaden heshiis dhex maray labada dowladood, si shacabka uga caawiyan in ay dib u soo ceshadan ammaanka.

Wuxuu muujiyay ka bixista Ciidanka Itoobiya ee Ceelbuur inay ka dambeysay waqtigii loogu talla-galay inay jooggaan oo ka dhammaaday, isla-markaana ay tahay qorshe militari.

Danjiraha oo u waramay VOA, ayaa tilmaamay in ciidankan ay qorsheynayan inay gurmad siiyaan ciidan Amisom ka tirsan, oo sida uu sheegay goobo kale hawlgalo ka samaynaya.

Jamaludiin Mustafa, ayaa garowsaday saamaynta ka dhalan karta ka bixista Ciidanka Itoobiya ee Ceelbuur, isla-markaana ay ka xun yihiin barakaca dadkii iyaga soo dhaweeyay.

Waxaa uu intaa ku daray in dhibaatada ay ka timid ciidan deegaanka ah oo aan la tababarin, mudadii Ciidanka Itoobiya ku sugnaayen Degmada Ceelbuur, sida uu yiri.

Hase ahaatee Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, ayaa Ciidanka Itoobiya ku eedeeyay inaysan jirin wax gacan ah oo ay siiyeen Maamulka iyo shacabkaba, isla-markaana ay ku koobnaayen xeryihii ay kaga sugnaayen Ceelbuur.

Wadamada Midowga Afrika ee ciidamadu ka jooggan Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in aanay daacad ka ahayn hawlgalka ay ka wadaan dalka.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300