Published On: Tue, Apr 4th, 2017

Duqa Muqdisho “Xasan Sheekh ayuu la shaqeynaayay haddii xilka la isaga qaadaayo waa wax kale”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ka hadlay hadal hayn maalmahan dambe sii xoogeysanaysay oo ku saabsan in xilka Gobolka Banaadir laga qaadaayo, iyadoo la eegaayo hanaanka awood qaybsiga beelaha iyo isbedelka dowladnimo ee dalka uu galay

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa muujiyay kalsooni ah inuu sii shaqeynaayo, islamarkaana aanan laga qaadayn xilka Gobolka Banaadir.

“Illaa iminka wax cabsi ah ma qabo, waan isku kalsoonahay waxaan aaminsanahay in aan sii shaqeyn doono.” Ayuu yiri Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wareysi uu siiyay Tv-ga Goobjoog ayaa sidoo kale waxaa lagu weydiiyay Duqa Muqdisho hadii xil ka qaadis lagu sameeyo oo la soo magacaabo masuul kale oo cusub, waxaana uu ku jawaabay.

“Xasan Sheekh uu la shaqeynaayay haddii wax lagu weynaayo ama xilka la isaga qaadaayo waa wax kale.”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale  la weydiiyay aragti ahaan waxa uu ka qabo haddii la kala qaado xilalka isa saaran ee Gobolka Banaadir ee kala ah Duqa Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu ku jawaabay.

“Laba awoodoood haddii la isugu geeyo Gobolka Banaadir waa ay isburinayaan”

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale xilka uu hadda haayo waxaa u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka tirsan yahay Sheekh Yuusuf xerta Madaxweynihii hore.

Dhowr mar ayuu fagaare kala duwan Sheekh Yuusuf ka sheegay inuu aad u jeclaan lahaa inuu dib ugu soo laabto tallada dalka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay, iyadoo madaxda Gobolka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u ceshan lahaayeen kursiga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300