Published On: Mon, Apr 3rd, 2017

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo Shaqo joojin lagu soo rogay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan, ilaa amar danbe sida ay shegeen Warbaahinta Degaanada Maamulaka Puntland.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee Madaxweynuhu shaqo joojinta ugu sameeyey Wasiirka, warbaahintana uma suurta gelin in ay aragto qoraalka rasmiga ah ee shaqo joojinta,balse waxaa jirey arrimo dhawr ah oo is barkadey kuwaas oo la aaminsan yahay in ay la xiriirto shaqo-jooninta lagu sameeyey wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa ku fashilantey in sidii uu ahaa ay u fuliso mashruuc uu maalgelinaay Bangiga hormarinta ee Afrika (AfDB) oo la soo mariyey IGAD kaas oo wax looga qabanayo deegaanada abaaraha u nugul ee Geeska Afrika. Mashruucan ayaa loogu magacdarey Drought Resilience and Sustainable Livelihoods (DRLSP 2) waxaana uu soo socdey qorshihiisu muddo ka badan 5 sano, Soomaaliya oo dhan ayaa mashruucan laga siiyey 22 milyan oo Dollarka Maraykanka ah, taas oo ay Puntland uga soo aadey lacag ku dhaw 5 milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xannaanada xoolha, cuntada, nabaad guurka iyo bacaad celinta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300