Published On: Mon, Apr 3rd, 2017

Puntland oo baaq u dirtay dowladda Soomaaliya

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin c/llaahi cumar cameey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan puntland la mid ahayn Maamulada kale ee dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in 150 kun ee doolar ee gurmadka abaaraha loogu tala galay ee la siiyay Maamulka Puntland in aysan ku filneyn.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo ku soo barakacay degaanada Puntland kuwaasi oo uu sheegay in ay ka soo barakaceen degaanada Maamulada Somaliland iyo Galmudug.

Waxa uu tilmaamay indadkaasi badan ee ku soo barakacay degaanada puntland aysan ku filneyn lacagta guddiga abaaraha qaranka ay puntland ugu tala galeen ee ah 150 kun ee doolar.

Waxa uu Madaxda dowladda ugu baaqay in Maamulka puntland ay lacagtaasi u kordhiyaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300