Published On: Mon, Apr 3rd, 2017

Dowladda Talyaaniga Iyo Cuqaasha Beelaha Libya Oo Iska Kaashanayo Joojinta Tahriirayaasha.

60 Hoggaamiye Dhaqameed Libiyaan ah iyo Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga ayaa waxay Kulan qarsoodi ah ku yeesheen magaalladda Rome, kaasi oo socday muddo 3 maalmood.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray 12-qoddob, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga,Marco Minniti oo la hadlay Wargeyska La Stampa.

Waxa uu tilmaamay inay Ilaaladda Xuduudka Koonfurta Libya  hawlgal ilaalo iyo roondo ku hayn doonaan dhul masaafadiisu dhan tahay 5,000 oo KM, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sugidda Ammaanka Xuduudka Koonfurta Libya la micno tahay sugitaanka Xuduudka Koonfurta Qaaradda Europe.

Dhinaca kale, Odayaasha Dhaqanka Libya ee Talyaaniga la heshiiyey waxaa ka mid ah Qabaa’ilka Tuwaaraq, Tobou iyo Qabiilka Carabta ee Awlaad Suleymaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300