Published On: Mon, Apr 3rd, 2017

Diyaaradda Qatar Airways oo keentay xal ka soo horjeeda go’aankii Trump

Shirkada Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegtay inay bixinayso adeegga kombiyuutarka Laptop-ka oo deyn ah, kaasoo loogu tala galay rakaabka u safraya Maraykanka, si xal loogu helo xayiraaddii uu Maraykanku ku soo rogay qalabka elektronigga ee duullimaadyada qaar

Xayiraaddan ayaa qabanaysa wixii qalab elektronig ah ee ka weyn telefoonnada casriga ah (smartphone), ee ku imaanaya 9 dayaaradood oo ka shaqeeya 10 garoon oo ku yaalla bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Turkiga.

Waxaa ku jira shirkadaha Qatar Airways, Etihad, Emirates iyo Turkish Airlines oo sameeya duullimaadyada dhaadheer ee tooska ah ee ay badi raacaan dadka shaqooyinka ama ganacsiga u socda, kuwaasoo aan kombiyuutarradooda isticmaali karin inta duullimaadka lagu guda jiro.

Qatar Airways ayaa hadal ay soo saartay ku tiri “macaamiisha waxaa u suurto gali doona inay dukumentigooda ku soo ritaan USB inta aysan dayaaradda soo fuulin, ka dibna ay halkaas ka sii wataan hawshooda”.

Dayaaraddu waxay kaloo bixinaysaa Wi-Fi bilaash ah oo rakaabka oo dhan ay isticmaali karaan muddo saacad ah, iyo internet duullimaadka inta lagu jiro oo dhan uu isticmaali karo oo kaliya qofkii baxsada $5.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300