Published On: Mon, Apr 3rd, 2017

Baarlamaanka soomaaliya oo maanta kulmaya

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa iney kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada ay yeelanaya ayaa waxaa loogu qeybin doonaa Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2017.

Miisaaniyadaasi loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa la doonayo in dowladda ay ku shaqeyso sanadkan 2017 isla markaana lagu fuliyo howlaha Dowladda.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qeybinta ka dib ka doodi doono marka ay soo aqristaan Warbixinta ku saabsan miisaaniyada.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybinaya qaraaradii ugu dambeeyay Baarlamaanka.

Qaraarada loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah ansixinta Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo qaraarkii ku saabsanaa ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka soconayo oo wax ka badal lagu sameeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo laga doonayo in ay qabtaan afarta sano ee soo socota.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300