Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Wasiirkii Dekaddaha Nuur Faarax Xersi oo geeriyooday

Nuur Faarax Xersi Warfaa Wasiirkii Dekaddaha Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, balse weli xilka Wasaaradaasi aanan wareejin, ayaa saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Geerida Wasiir Nuur Faarax Xersi, waxa ay timid kadib markii muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay Isbitaalka Ex-Digfeer, balse hadda loo bixiyay Ordugan oo ku yaallo Degmada Hodan.

Nuur Faarax Xersi ayaa haayay xilka Wasiirka Wasaaradda Dekadda Iyo gaadiidka Xukuumadii Cumar C/rashiid, balse xanuuno soo wajaha awgeed ayuu shaqada Wasaaradda u wadi waayay muddooyinkii dambana Isbitaalka ayuu yaalay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa 26-kii Bishii Maarso, wuxuu Isbitaalka ku booqday Wasiir Nuur Faarax Xersi, isaga oo soo qiimeeyay xaaladda Wasiirkaasi, balse ugu dambeyn saaka ayuu geeriyooday.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300