Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Shabaab oo la wareegay deegaanka Goofgaduud

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay faarujiyeen deegaankaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysay.

Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab, watana gaadiidka dagaalka ayaa gudaha magaaladaasi galay, waxaana ay fariisimo ka sameysteen dhowr meel sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Al-shabaab ay hawlgalo ka wadaan xaafadaha qaar ee deegaankaasi, iyadoo wax faah faahin ah aan laga helin howlgalkaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayeey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.

Koonfur Galbeed ayaa hadda waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii Al Shabaab dib looga saari deegaankaasi Goofgaduud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300