Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun

Muqdisho, Apriil 2.2017-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300