Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Rag hubaysan oo weeraray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyada

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu weeraray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyada dowladda Federalka Somaliya

Shaqaalahan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa watay gaari noociisa lagu sheegay NOHA, waxaana rasaaseeyay rag hubaysan oo watay gaari yar, xilli ay marayeen nawaaxiga Saldhiga Degmada Wardhiigley.

Shaqaalaha ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee watay gaariga yar ayaa tiradooda waxa ay gaareysay saddex ruux, waxaana la sheegayaa mid ka mid ah inuu geeriyooday, halka labada kale ay dhaawac yihiin.

Ninka geeriyooday ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu magacaabo Cabdi Dheere uuna ka tirsan yahay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo labada ruux kale ee la socday ay yihiin kuwa dhaawac ah.

Raggii hubaysnaa ee weerarkaan fuliyay, ayaa durba meesha ka baxsaday, waxayna wateen gaari yar.

Meesha weerarka uu ka dhacay, ayaa waxaa ka agdhaw Saldhiga Booliska Degmada Wardhiigley, waxaana jooga ciidamo ka tirsan Booliska, iyadoo aysan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo Kooxdii falkaasi bareerka ah fulisay.

Xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sida muuqata waxa ay tahay mid faraha ka sii baxeysa, maadaama dilalka qorsheysan ay si joogto ah uga dhacayaan caasimadda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300