Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Duqa Muqdisho oo soo celiyay Rajadii Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Tan iyo Markii Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo Magacaabay Sheekh Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale waxaa dib  u soo laabtay Raajadii iyo Himilladii Shacabka ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Reer Muqdisho ayaa ugu hamuun qabay Hoggaamiye leh sifo wanaagsan kun weyntahay wax ka qabashadaha xaaladaha kala duwan ee  Ragaadiyay Caasimadda Muqdisho.

Waxaana yididiilo fiican ay dareemeen markii uu Gobolka Banaadir majaraha u qabtay Sheekh Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.

Inta aan la Magacaabin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale , Bulshada Muqdisho ayaa waxaa halis ay ka soo food saareysay Burburka Waddooyinka Muqdisho, iyo Nadaafad xumo hareysay Gobolka Banaadir intaba.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Dubabka ugu caansan dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale uu horumarro la taaban karo ka sameeyay Muqdisho , waxaana uu ku tilmaamay shaqsi aamin ah oo dhowrayay Canshuuraha ka soo xarooda Gobolka, dib u dhis ku sameeyay Caasimadda islamarkaana Dadaal dheer galiyay horumarka Magaalada Muqdisho.

Malaaq Cali oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ku nuux nuuxsaday in dib u dhiska Waddooyinka ay ka qeyb qaadan karaan Kaabayaasha dhaqaalaha Dal weliba taasina uu ku guuleystay Sheekh Yuusuf  Xuseen Jimcaalen Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu dar dar geliyay howlaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan howlaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Si kastaba Duqa Muqdisho ayaa la sheegay in Xasuus Taariikhi ah uu  ku reebay Guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Muqdisho maadaama uu soo celiyay Rajadii Caasimadda Dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300