Published On: Sun, Apr 2nd, 2017

Buuq ka dhashay dil ka dhacay xaafada Islii

Ururka ay ku bahoobeen qareenada dalka Kenya ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada kaasi oo muujinaya askari dhar cad ah oo tooganaya laba nin oo aan hubaeysneyn.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa waxa laga soo xigtay in raga la dilay ay xubno ka ahaayeen burcad ka howlgasha xaafada Islii islamarkana looga shakisan yahay in ay dileen askari booliis ah.

Madaxa ururka qareenada dalka Kenya, Isaac Okero, ayaa u sheegay BBC-da in muuqaalkaasi uu ahaa mid naxdin leh .Waxa uu sidoo kale uu sheegay in labadan nin ay ahayd in maxkamad la soo taago badalkii la dili lahaa.

Dhacdadani ayaa waxa ay ka dhalisay dood baraha bulshada. Qaar ka mid ah dadka ayaa amaanay falka booliiska iyaga oo sheegay in ay ahayd mid ay ku joojinayaan falalka burcadnimada.

Waxayna laamaha ammaanka ay sheegen in ay baarayaan dhacdadani.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300