Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad oo geeriyooday

Allaha u naxariistee, waxaa goor dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan hore Cali Cumar Nuur oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa la doonaayay in dalka dibadiisa xaalado caafimaad loogu qaado, balse inta aysan kicin diyaaradii uu raaci lahaa, ayaa Garoonka dhexdiisa uu ku geeriyooday Xildhibaanka.

Maareeye ku xigeenka Garoonka Aadan Cadde C/raxmaan Cawle ayaa xaqiijiyay in Xildhibaankaan uu ku geeriyooday gudaha Garoonka Aadan Cadde, kadib markii uu wadnaha istaagay.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka maalmahan inuu xanuunsanaa, saakana qorshaha uu ahaa in dalka dibadiisa loo qaado, balse waqtigiisa uu intaasi ku ekaa.

Meydka Marxuumka ayaa hadda laga soo saarayaa Garoonka Aadan Cadde, si Magaalada gudaheeda loogu duugo, waxaana arintaasi u dhaqaaqay ehelada marxuumka iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad.

Cali Cumar ayaa ka tirsanaa Baarlamaankii ka horeeyay midka hadda shaqeeya, balse xanuunkaasi wadnaha ka qabsaday ayuu u dhintay ugu dambeyn maanta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300