Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Wadahadaladii Nabadda ee Suuriya oo lagu heshiin la’yahay

Wareegii ugu danbeeyay ee wadahadalada dalka Suuriya ayaa ku soo gabagaboobay Geneva iyada oo aan la gaarin wax heshiis ah.

Gabagabada wadahadalada ka dib ayaa waxa shir jaraa’id oo ay si kala gooni gooni ah ay qabteen wufuuda dowlada iyo mucaaradka oo mid ba mid kale hadalo aflgaado ah u jeediyay .

Hasa yeeshee ergayga Qaramada Midoobe ee dalka Suuriya, Staffan de Mistura ayaa ku adkaystay in marka ay labada dhinac si gaar ah ugu jiraan wadahadalada. ayna aad uga dhaqan duwan yihiin marka ay dibada yimaadaan.

Ergayga ayaa intaasi ku daray in labada dhinac ay si dhab ah uga wadahadleen ajandooyiinka wadahadalada.

Ergayga Qaramada Midoobe ee dalka Suuriya, Staffan de Mistura ayaa waxa uu sheegay in horumar wax ku ool ah la sameeyay ayna tahay in la sii wado .

Labada dhinac ee wadahadalada Suuriya ayaa waxa ay ku heshiiyeen in wadahadalo la sii ambaqaado .

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300