Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Oday da’ah oo duleedka Muqdisho isku gubay

Xaayow Aadan oo 74 sano jir ah, kana mid ah dadka abaarta ay soo salkicisay ee soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho, ayaa xaalado kala duwan oo soo wajahay waxa ay sababtay inuu jirkiisa dab uu qabadsiiyo

Xaayow ayaa isaga iyo qoyskiisa waxa ay ka soo barakaceen Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, sida uu sheegayna 12 cisho jidka ayeey ku soo jireen isaga iyo qoyskiisa, ugu dambeyna wuxuu soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho.

Markii uu soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa Xaayow waxaa la soo deristay xaalado caafimaad, islamarkaana isaga oo la il daran abaartii uu ka soo barakacay, ayaa waxa ay ugu darsoontay mid dhanka caafimaadka ah.

Waxa uu sheegay in xanuuno kala duwan uu ka dareemay caloosha, islamarkaana uu aad u xanuunsaday, isaga oo sheegay markii uu waayay gurmad caafimaad in danta ay biday inuu dab isqabadsiiyo.

Xaayow Aadan oo ah Odayga 74-sano jirka ah, ayaa wuxuu iska gubay caloosha, taasi oo keentay inuu galo xaalad caafimaado daro, tii uu horay ugu jiray mid ka sii daran ah, taasi oo iminka u baahan gurmad.

Wuxuu ka dalbaday Bulshada Somaliyed inay u soo gurmadaan, islamarkaana xaaladda uu iminka ku jiro ay tahay mid halis ah oo sababi karto inuu geeriyoodo.

Abaarta ka jirta dalka Somaliya ayaa sababtay xaalado kala duwan, iyadoo dadka qaar horay ay isku dileen, markii xoolahooda abaarta ay ka laysay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300