Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukuno ku riday dumar Somaliyeed

Maxkamad ku taala Bariga Gobolka Virginia, ayaa Jimcihii xukuno adag ku riday laba haween oo Soomaali ah, ka dib markii ay Maxkamaddu ku heshay in lacago ay u direen maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Haweenkan oo lagu kala magacaabo Hinda Cismaan Dhirane, 46 jir iyo Muna Cismaan Jaamac, 36 jir, ayay Maxkamaddu sheegtay in ay ka mid yihiin shabakad lagu magacaabo (The Group Fifteen), oo dhaqaale ku taageerta Ururka Al Shabaab. Maxkamadda ayaa Hinda ku xukuntay 11 sano oo xarig ah, halka Muna ay ku riday 12 sano.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay dumarkan waxay lacagaha ay direen ku taageereen kooxo ka tirsan Shabaab, oo ku kala sugan Somaliya iyo Kenya, si kooxda ku sugan Kenya loogu kireeyo guryo ay gabaad ka dhigtaan.

Qoraal lagu baahiyay bogga Wasaaradda Garsoorka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda la horkeenay cadaymo muujinaya xiriirka haweenka la xukumay la leeyihiin Shabaabka.

Hase ahaatee Muna Cismaan Jaamac iyo Hinda Cismaan Dhirane, ayaa iska fogeeyay in xiriir uu kala dhaxeeyo Shabaab, isla-markaana ay lacagaha u direen carruur agoon ah.

Maxkamado ku yaala Mareykanka, ayaa marar badan xukuno kala duwan ku qaaday dad Soomaali ah, oo lagu eedeeyay in dhaqaale ku taageereen Al Shabaab, oo Mareykanka uu u aqoonsan yahay urur argagixiso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300