Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Ciidamo ka wada tirsan DF oo is rasaaseyn xalay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay israsaaseyn waxa ay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilli Ciidamada Nabad Sugida ay baaritaanno iyo howlgallo ka  wadeen  Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wardhiigleey iyo Yaaqshid ay is Rasaaseyn dhex martay iyaga iyo Ciidamo Milatariga Dowladda Soomaaliya ka tisran.

Israsaaseynta ayaa ka dhacday  Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmadaasi Wardhiigleey.

Mana Cadda Khasaaraha ka dhashay xilliga oo Habeen ahayd aawgeed ,iyadoona Rasaasta ay isweedaarsanayeen si weyn looga maqlayay Xaafadaha degmada Wardhiigleey inta badan.

Sidoo kale lama oga Howlgalladaasi xalay ay Ciidamada Nabad Sugidu ka sameeyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir cidda ay ku soo qab qabteen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300