Published On: Sat, Apr 1st, 2017

Ciidamada Ammaanka Kenya oo 2 qof oo midi Soomaali ahaa ku toogtay Magaalada Nairobi

Ciidamada Kenya ayaa xalay 2 Nin oo mid uu ka soo jeeday Soomaaliya ku toogtay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Labadaasi qof ee Ciidamada Ammaanka Kenya ay toogteen ayaa ka soo kala jeeday Soomaaliya iyo qowmiyada Oromada ee degta Ethiopia.

Saraakiil Ciidamada Kenya u hadlay ayaa ku eedeeyay Raggaasi la toogtay in ay ahaayeen Burcad walow dadka ku nool Xaafadda Islii ay sheegeen in ay ahaayeen Dad Shacab ah.

Arrintaan ayaa hadal heyn badan dhalisay oo ay isla dhexmarayaan dadka ku nool Xaafadda Islii oo badi Ah Muwaadiniin Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300