Published On: Fri, Mar 31st, 2017

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS oo ka taagan Magaalada Baardheere

Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya laga dareemayo halkaasi.

Isasgoo u waramayay Idaacadda Shabelle, Aadan Cabdi Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa waxuu sheegay in Xiisadan ay salka ku heyso wada shaqeyn la’aanta labada dhinac.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM aysan gudan howlihii loo igmaday.

Waxaa dhinaca kale uu Sarkaal Aadan sheegay in Shacabka Baardheere ay dhibaato ku qabaan Sarkaal Itoobiyaan ah oo dhawaan loo soo magacaabay Baardheere.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaan xoogan oo ka soo yeereysay Shacabka Baardheere, taasi oo ku aadan Ciidamada Itoobiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300