Published On: Fri, Mar 31st, 2017

Meydka Kim Jong-nam ayaa la geeyay Pyongyang

Meydka Kim Jong-nam, oo ay walaala yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa laga dajiyay magaalada Pyongyang, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbatay in meydkaasi lagu soo wareejiyo.

Jong-nam ayaa si aan macluumaad badan laga haynin ugu geeriyooday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Mleeshiya. Booliisku waxay rumaysan yihiin in la sumeeyay isaga oo sugaya duulimaa

Sii deynta meydka ninkan ayaa waxa ay qeyb ka tahay heshiis ay kala gaareen dalalka Maleeshiya iyo Kuuriyada Waqooyi. 9 qof oo u dhalatay dalka Maleeshiya oo markii hore laga horistaagay inay dalka Kuuriyada Waqooyi ka dhoofaan ayaa hadda loo oggolaaday inay safraan.

Labada dal ayaa waxaa soo kala dhexgalay muran diblomaasiyadeed ka dib markii Kim lagu dilay garoonka diyaardaha Kuala Lampur bishii hore.

Inkastoo uu jiro tuhun ballaaran oo ku aadan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkan, haddana waxaan caddayn ah looma hayo. Pyongyang illaa iyo hadda war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdadaas.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheecisay in Kuuriyada Waqooyi ay soo maleegtay dilkaas.

Malayshiya ayaa ka mid ahayd dalal kooban oo joogteeyay calaaqaadka dublamaasi ee ay la leeyihiin Kuuriyada Waqooyi, balse dilkan ayaa murjiyay xaaladda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300