Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Xildhibaan Dhalxa: “Xildhibaannada Wasiirrada ah sideey labada shaqo isugu qabanayaan

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Magacaabista golaha wasiirrada cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’isalwasaare Xasan Cali kheyre.

Xildhibaan Dhalxa waxaa uu sheegay in Dhaliisha beelaha qaar ay ka tabanayaan Ra’isalwasaaraha aysan ahayn mid sax ah maaddaama Ra’islawasaaraha uu qabsaday shaqadiisa oo ahayd soo magacaabidda Golaha wasiirrada Soomaaliya.

Dhalxa waxaa uu su’aal ka keenay Xildhibaannada faraha badan eek u biiray Xukuumadda waxaana uu is weydiiyay sida Xildhibaanka Wasiirka noqday uu isugu qaban karo labada shaqo,waxaana ka mid ah marka ay isku soo aadaan shirarka Wasiirrada iyo golaha shacabka shirka uu ka qeyb gelaya wasiirkaas.

Xildhibaan Dhalxa ayaa u soo jeediyay Ragga iyaga oo Xildhibaanno ah ku biiray Golaha shacabka in ay sameystaan qorshe howled ay wax kaga qaban karaan labada xi lee ay umadda u hayaan,maaddaama hal qof au ku adag tahay qabashada labo shaqo oo cusub.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300