Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Somaliland: “Al-shabaab waxaan uga adkaannay wada shaqeynta shacabka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in sababta AL-shabaab ay ugu dhiirran waayeen in ay weerarro ka fuliyaan gudaha Somaliland ay tahay xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo Ciidanka amniga ee Maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Somaliland Yaasiin Faratanlle oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku dhiirran waayeen weerarro ay ka geystaan Somaliland kaddib xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya shacabka iyo Ciidanka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Qorsheyaal badan oo ay Al-shabaab isku dayeen in ay ka geystaan Somaliland ay fashiliyeen dadweynaha sidaas darteedna ay Al-shabaab isaga hareen qorsheynta weerarrada AL-shabaab ee Somaliland.

Waxaa uu ka hadlayay shirka jaraa’id oo looga hadlayay awaamiirta uu maamulka ka soo saaray Sixirka ku badanaya degaannada Somaliland oo uu sidoo kale shacabka kaga codsaday in ay Ciidamada kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa dad wax sixraya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300