Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Puntland oo sheegtay in ay ruqsad Kalluumeysi siisay 11 Markab

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in xeebaha maamulkaasi ay ka kalluumeystaan 11; Markab oo ay sheegeen  in ay iyaga siiyeen ruqsadda Kalluumeysiga ee degaannada xeebaha Puntland.

C/Raxmaan Jaamac Kulmiye oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Kalluumeysiga Puntland,ayaa sheegay in Puntland ay bixisay Ruqsadda 11 Markab ay kaga kalluumeysan karaan xeebaha maamulkeeda kuwaas oo uu sheegay in Puntland ay la socoto waxa ay ka qaadayaan xeebaha Puntland.

Maraakiibtan ayaa waxaa laga leeyahay dalal shisheeye waxaana ay ka midyihiin Maraakiib badan oo ka kalluumeysta  xeebaha dalka Soomaaliya oo dhan.

Waxaa uu intaas ku daray in Puntland ay Maraakiibtaasi 11ka ah kiiba ku dartay L;abo Qof oo Soomaali ah kuwaas oo la soconaya howlaha Markabka meelaha uu ka kalluumeysano.

Waxaa kale oo uu sheegay in Maraakiibtaas oo 7 ka mid ah dhawaan la siiyay Ruqsadda Kalluumeysiga ay ku xireen dhamaantood aalado u sahlaya in iyaga oo jooga xafiiskooda ay la socdaan meelaha ay marayaan iyo sida ay u kalluumeysanayaan,waxaana uu ku faanay in markii ay dhacday dowladdii dhexe kaddib ay Puntland sidaas sameysay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300