Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Puntland iyo DPWorld oo ka wada hadlay Dekadda Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali  Gaas,ayaa sheegay in Hay’adda Dekada ee Dubai uu kala hadlay sidii ay ula wareegi lahayd maamulka dekadda Magaalada Boosaaso.

Gaas oo safar todobaad ka badan qaatay ku tagay imaaraadka iyo Itoobiya ayaa waxaa laga soo xigtay in uu dekadda Boosaaso kala hadlay saraakiil ka tirsan Sharikadda Imaaraadka laga leeyahay ee DPWorld.

Wargeyska wax ka qora Ganacsiga ee Bloomberg ayaa sheegay in Gaas uu ka sheegay Magaalada Adis ababa todobaadkan wadahadallada u socda Puntland iyo Hay’adda DPWolrd.

Afhayeenka Sharikadda Dekadaha ee Dubai Michael Vertigans,oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo,waxaase uu Wargeysku sheegay in Imaaraadku doonayo Dekadda Boosaaso la wareego kaddib markii uu xaqiijiyay la wareegidda dekadda Berbera ee Maamulka Somaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300