Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Farmajo iyo Kenyatta oo ku shiray Nairobi

Madaxweynaha Dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Maxmae dCabdullahi farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya.

K ahor inta aysan kulan gaar ah ku qaadan Madaxweynayaasha labada dal aqalka Madaxtooyada Kenya waxaa Madaxweynah Soomaaliya soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada halkaas oo uu salaan kaga qaatay ciidanka Kenya.

Ciidamada uu salaanta ka qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa madasha ka garaacay heesaha Qaranka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,Ganacsiga,Maalgashiga,Beeraha,Kalluumeysiga,Caafimaadka ,Socdaalka,shaqaalaha iyo horumarinta dalxiiska.

Madaxweynaha Kenya ayaa 23kii February markii uu ka qeyb gelayay caleema saarka Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ballan qaaday in dowladda Kenya ay noqoneyso dowladda ugu horreysa ee taageerada la garabtaagan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka qeyb geli doonaa sabtiga SHir Madaxeedka IGAD oo looga hadlayo Qaxootiga Soomaaliya ee jooga waddamada deriska ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300