Published On: Thu, Mar 23rd, 2017

Amisom oo lagu eedeeyay inay faraha ka laabteen dagaalka Shabaab

Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa xoogaga Midowga Afrika ee Amisom ku eedeeyay inay faraha ka laabteen dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, kadib markii xalay Shabaab ay soo weerareen Degmada Baraawe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuur, ayaa ku eedeeyay ciidamada Amisom inaysan ka qayb galin dagaalkii xalay Shabaab Baraawe ay ku soo qaadeen.

Wuxuu sheegay Amisom inay iska dhex fadhiyeen xeryaha ay ka degan yihiin Magaalada Baraawe, xilli ciidanka Xooga dalka ay ku jireen dagaal ka dhan ah Shabaab.

“Xeryahooda ayey isaga jiraan sida dhul ay leeyihiin, waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada in Amisom lala xisaabtamo ama dalalkooda ay ku laabtaan haddii ay doonayaan in Xeryahooda iska fafadhiyaan.” sidaas waxaa yiri Mr Ali Nur Guddoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkii xalay ay soo qaadeen Shabaab oo ahaa mid abaabulnaa ayaa ciidamada xooga dalka Somaliya kaligood ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray, xilli Amisom sheeda ay ka daawanaysay weerarka.

Ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa u gurmada Amisom, xilliga ay la kulmaan weerar kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300