Published On: Wed, Mar 22nd, 2017

Xildhibaano kasoo horjeestay Wasiirada Cusub

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya in aysan meelmarin doonin Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Idiris ayaa xusay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uusan kala tashan baarlamaanka Soomaaliya badankood, islamarkaana xildhibaano ka badan 68 mudane in ay kasoo horjeedaan Wasiirada cusub.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya in ay ka xirteen Albaabada xildhibaanada Baarlamaanka

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay yeelan doonaan kulamo kala duwan oo looga hortagaayo Ansixinta Wasiirada.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa shalay soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300