Published On: Wed, Mar 22nd, 2017

Tijaabo gantaal oo ka ‘fashilmay’ Kuuriyada Woqooyi

Gantaal ay tijaabin lahayd Kuuriyada Woqooyi ayaa fashilmay, sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee dalka ay deriska yihiin ee Kuuriyada Koonfureed.
Tijaabada madaafiicda ayaa lagu sameeyay magaalada xeebta ku taalla ee Wonsan, balse macadda tirada gantaallada la tijaabiyay iyo noocyada ay ahaayeen.

Qaradama Midoobeey ayaaa Kuuriyada Woqooyi ka mamnuucday tijaaabada gantaaallada iyo nukliyerka.
Sikastaba, maamulka Pyongyang wuxuu si joogto ah u tijaabinayay madaafiic kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa qaada sunta nukliyerka.
Horraaantii bishan, Kuuriyada Woqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo gaadi kara illaaa kun kilomitir, waxayna ku dheceen badda Japan.

Woqooyiga Kuuriya oo “gantaal tijaabisay”
Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya
Tijaabadaasi ugu dambeysay waxaa loo arkay inay jawaab u ahayd dhaqdhaqaaqa ciidan ee sida sanadlaha ah ay u sameeyaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Xukuumada Pyongyang waxay u aragtaa dhoolatuskaasi mid daandaansi ku ah.
Militariga dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gantaal Kuuriyada Woqooyi ay riday oo ilbiriqsiyo gudahood ku qarxay.

Shiinaha oo diiday dhuxusha Kuuriya Woqooyi
W/Kuuriya oo looga digay tijaabada gantaallada
Malaysia oo xirtay 140 qof oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300