Published On: Wed, Mar 22nd, 2017

Ra’isalwasaare Kheyre oo booqday dhaawacyada Qaraxii shalay

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay booqday Isbitaalada Madiino iyo Ex-Digfeer oo hada loo yaqaan Erdogan, oo la dhigay dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Socdaalka waxaa ku wehliyay Ra’isul wasaaraha Taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda , waxaana Xasan Cali Kheyre uu dul tagay goobihii kala duwanaa ay yaaleen dhawacyada , isagoo u kuur galay xaaladooda Caafimaad.

Ra’isul wasaaraha aaya sheegay in dadka qaba dhaawacyada culus ay dowladiisu ku dadaaleyso sidii gar gaar caafimaad loogu qaadi lahaaa dalka dibadiisa, waxaana ra’isul wasaaraha uu mid mid u wareysstay dadka qaba dhaawacyada oo ka wareysanayay sida ay wax u soo gaareen iyo hadda sida uu yahay .

Saraakiisha Caafimaadka ayuu ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gudbiyaan dhaawacyada aysan waxba ka qaban karin si gar gaar dibada ah loogu qaado .

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300