Published On: Wed, Mar 22nd, 2017

Booliska Kenya oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan Macallimiin la afduubtay

Booliska Dowladda Kenya ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo Maclimiin Kenyaan ah oo dhawaan laga afduubtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska, Aaron Moriasi  ayaa waxuu sheegay in maclimiinta la afduubtay lagu hayo meelo aan ka fogeyn Xeryaha Dhadhaab ee Dalkaasi Kenya.

Waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay soo xireen 200 oo Ruux, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogyihiin afduubkaasi.

Taliye Aaron ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in afduubka loo geystay maclimiintaasi ka soo jeeda Kenya ay ka dambeeyaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Bishii February, labo Ruux oo hubeysan, kuwaasi oo sida la sheegay ka mid ah Al Shabab ayaa xoog ku galay Iskuul ku yaalla Dhadhaab, halkaasi oo ay ka soo afduubteen Haweeney macalin aheyd.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300