Published On: Tue, Mar 21st, 2017

Waliddiin Carruurtooda lagu laayay Xeebaha Yemen oo la hadlay Warbaahinta

Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaradii Somaliyeed ee toddobaadkii hore lagu laayay dalka Yemen, ayaa Saxaafadda kula hadlay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Aabe Mahad Faarax Jaamac (Mahad Baraar) oo ka mid ah waalidiinta Warbaahinta kula hadashay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in wiilkii keliya ee hadda uu ifka ka fiirsanaayay oo lagu magacaabi jiray Cali Deeq Mahad Faarax, uu ka mid noqday Somalidii doonida la socotay ee gantaalka lagu dhuftay.

Aabahan, ayaa sheegay in Cali Deeq uu u dambeeyay toddobo wiil oo uu dhalay, kuwaa oo dhammaantoodba sabab-saday gacan bani’aadan.

Mahad Baraar, ayaa hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo dowladaha caalamkaba ugu baaqay in looga garaabo dulmigaa isaga ah ee ku yimid.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300