Published On: Tue, Mar 21st, 2017

Qaraxyo AMISOM lagula Eegtay Galabta Sh/Dhexe

Sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal Ah Qaraxyo ayaa waxay maanta ka dhaceen inta udhaxeysa Jowhar iyo Magaalada Mahadaay Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaraxyada ayaa midkood Galabta dhacay halka midka kalena uu dhacay Maanta Barqadii waxaana lala Eegtay Ciidan katirsanaa Dawlada Soomaaliya.

Waxa sidoo kale la sheegayaa in qarax ka dhacay Deegaanka Buurane lagu beegsadya Ciidan katirsan AMISOM ayaa lagu weeraray deegaankaasi.

Al Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegteen in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidan ka socday Dalka Burundi baabuur ay wateena ay qarxiyeen oo ay gubeen.

Ilaa hadda ma jirto war ka baxsan dhinaca Al Shabaab oo sheeganaya inay Qaraxyadaasi ku waxyeeleen ciidan katirsan AMISOM oo kusugnaa duleedka Magaalada Jowhar.

Xiriir aan la sameenay Maamulka Degmada Jowhar ayaa waxay ka gaabsadeen inay kahadlaan weerarkaasi ka dhacay Duleedka Magaaladaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300