Published On: Tue, Mar 21st, 2017

Imaaraadka oo soo jeediyay baaritaan madaxbanaan oo lagu sameeyo shilkii lagu laayay Soomaalida

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay si gaar ah uga hadashay weerar Habeenkii jimcaha ahayd ee la soo dhaafay lagu laayay Soomaali badan oo la socday Doon ka baxday Yemen kuna sii jeedday Dalka Suudaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo xubin fir fircoon ka ah Isbaheysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka helaya Iraan ayaa waxaa ay iska fogeysay in ay ku lug leedahay weerarkaas oo ay ku tilmaantay musiibo Bani’adamnimo oo ka dhacday Gacanta Cadmeed.

Wakaaladda Wararka dalkaasi ee WAM,ayaa baahisay in Saraakiil ka tirsan Dowladda oo magacooda ka gaabsaday ay sheegeen in Imaaraadku uusan weerarkaas fulinin,waxaana aysan meesha ka saarin in ay ka dambeeyaan Xuutiyiinta Dalka Yemen ka dagaallama.

Dowladda Imaaraadka waxaa ay sidoo kale soo jeedisay in baaritaan Caalami ah oo madaxbanaan lagu sameeyo ciddii ka dambeysay weerarlkaas bahalnimada ah,waxaana ay sidoo kale ku baaqday in caddaaladda la horgeeyo oo lala xisaabtamo dadka falkaasi ka dambeeyay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300