Published On: Tue, Mar 21st, 2017

Afhayeenka G/Banaadir oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho

Qarax loo adeegsaday Gaari nuuca Hoomeyda ah ayaa waxa uu ka dhacay Casir Gaabadkii Galabta Agagaarka Tiyaatarka Qaranka Ee Magaalada Muqdisho.

Fariisin Ciidanka Amniga degganaayeen ayaana la beegsaday waxaase qaraxa ka hor la sheegay in Askari katirsan kuwa Meliteriga uu isku dayey inuu istaajiyo gaarigaasi balse uu ku naf waayey is hortaagii uu sameeyey.

Qaraxaasi waxa ku dhintay inta Dawladu xaqiijisey 5 Qof waxaana ku dhaawacmay 10 Kale,qaar ka mid ah dadka waxyeeladu soo gaartay waa Askar kuwo kalena waa shacab.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo saxaafada kula hadlay Meesha Qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in laga hortegay Qaraxaasi la doonayey in lagu dhibaateeyo Shicibka Soomaaliyeed sida uu warka udhigay.

Waxa uu sheegay Xalane in Qaraxa markii uu dhacayey ay Ciidanka ku mashquulsanaayeen baaritaan lagu hayey gaarigaasi balse uu ismiidaamiyey inta ciidanka ay ku mashquulsanaayeen Hubinta waxa saaran baabuurkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300