Published On: Mon, Mar 20th, 2017

Sucuudiga oo Q.M ka codsaday in Hawada iyo Badaha Yemen uu isaga maamulo

Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu Sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Isbaheysiga ayaa lagu sheegay in dilka dadkaasi ay tahay wax laga xumaado ,islamarkaana eedeynta ugu badan loo soo jeediyay Isbaheysiga Sacuudiga  ayna Qaramada Midoobey ka dalbadanayaan in ay baarayaal u dirto goobta ay wax ka dhaceyn.

“Waxaan ka warqabnaa in Weerarkaasi ay fulisay diyaarad  helicopter ah, islamarkaana eedeyn loo soo jeediyay Isbaheysiga marka waxaana Qaramada Midoobey ka codsaneynaa in ay baarto” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Isbaheysiga.

Warbaahinta Caalamka ah ayaa inta badan ku eedeynayay Isbaheysiga ay hogaamiso dowladda Sacuudiga in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay 42 qof oo Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo ka mid ah Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa si deg deg uga dalbaday dowladdaha Yemen iyo sidoo kale Sacuudiga in ay ka bixiyaan jawaab xasuuqii loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300